Kooxda hubaysan ee M23 ayaa Arbacadii la wareegtay gudaha iyo hareeraha magaalada istaraatiijiga ah ee Uvira ee gobolka Koonfurta Kivu, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta maxalliga ah, taasoo qayb ka ah weerar cusub oo lagu dilay ugu yaraan 74 qof, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in qiyaastii 200-kun oo qof ay ka carareen guryahooda bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC) maalmihii la soo dhaafay, iyadoo fallaagada ay taageerto Rwanda ay ku soo qulqulayaan magaalo istaraatiiji ah maalmo uun ka dib heshiis nabadeed oo uu hoggaaminayo Mareykanka, kaasoo hadda u muuqda mid halis ugu jira inuu burburo.
Dagaalka ugu dambeeyay wuxuu yimid inkastoo heshiis nabadeed oo uu Mareykanku dhexdhexaadinayay ay toddobaadkii hore ku saxiixeen madaxweynayaasha Congo iyo Rwanda magaalada Washington, DC.
Heshiiska kuma jirin fallaagada, kuwaas oo si gaar ah ula gorgortamaya dowlada DRC waxayna horraantii sannadkan ku heshiiyeen xabbad joojin ay labada dhinacba midba midka kale ku eedeeyaan inuu jebiyay, laakiin Mareykanka wuxuu ku qasbayaa Rwanda inay joojiso taageerada kooxaha hubaysan.
Kooxda M23 waxay ku guuleysteen inay qabsadaan dhowr goobood oo ay ku jirto magaalada Uvira.
Magaalada Uvira ma ahayn oo keliya saldhig militari laakiin sidoo kale waa xarunta maamul oo ay dawladdu ku shaqeenaysay tan iyo markii laga qabsaday magaalada Bukavu bishii Janaayo.
Sidoo kale magaalada Uvira waa goob istaraatiiji ah sababtoo ah magaaladu waxay xuduud la leedahay dalka Burundi, ciidamada Burundi waxay gacansiinayeen ciidamada DRC labadii sano ee la soo dhaafay.
Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Congo ayaa sidoo kale u xaqiijiyay wakaaladda wararka ee Associated Press in askartooda ay ka carareen weerarka fallaagada oo ay u qaxeen koonfurta iyo bariga wadanka ay jaarka yihiin ee Burundi.
Inkastoo uu socdo duulaanka kooxda ay damacsan tahay inay kula wareegto nawaaxiga Uvira, hoggaamiyaha M23 Bertrand Bisimwa ayaa ku celiyay in kooxda ay weli taageersan tahay wahadallada nabadda ee ay hoggaaminayso Qatar ee ka dhacay Doha, halkaas oo wakiillo ka socda labada dhinac ay bishii hore ku saxiixeen heshiis si loosoo afjaro dagaallada ka socda bariga DRC.
Khudbad uu Isniintii u jeediyay xildhibaannada, Madaxweynaha DRC Felix Tshisekedi ayaa ku eedeeyay Rwanda inay jebisay ballanqaadyadii heshiiskii lagu saxiixay Mareykanka.
Rwanda way beenisay inay taageerto fallaagada ka dagaalanta DRC, inkastoo Washington iyo Qaramada Midoobay ay sheegayaan in ay cadahay taageerada Rwanda ee kooxahan falaagadda.
Colaadda bariga dalkaasi DRC ayaa barakicisay ugu yaraan 1.2 milyan oo qof.



