Maamulka Israel ayaa weeraro culus ku qaaday qaybo kamid ah Iran, xilli Tehran iyo xuluufadeedu ay…

Maamulka Israel ayaa weeraro culus ku qaaday qaybo kamid ah Iran, xilli Tehran iyo xuluufadeedu ay weeraro ka geysanayaan waddamada Khaliijka, maraakiibta maraya Gacanka Hormuz-na si xun ayaa loo carqaladeeyay, taasoo keentay in qiimaha saliidda adduunka uu kor u kaco.
Saaka oo Jimce ah waxaa duqaymihii ugu dambeeyey ee Israa’iil ka fulisey Tehran lagu sheegay inay sababeen khasaare kala duwan, inkastoo uu yaraaday khasaaraha ay la kulmayaan madaxda sarsare ee dalka Iran.

Madaxda Iran sida Madaxweynaha ayaa maanta oo Jimce ah lagu arkayey iyagoo dhexmaraya bartamaha caasimada Tehran xili ay ka socdeen banaanbaxa caanka ah ee maalinta Qudus ee dalkaasi Iran ka dhaca Jimcaha ugu danbeeya bisha barakeysan ee Ramadan.
Hogaamiyaha Sare ee cusub ee Iiraan Mojtaba Khamenei oo todobaadkii hore la magacaabay kadib dilkii aabihiis, ayaa soo saaray bayaankiisii ugu horreeyay, isagoo ka digaya in weerarrada lagu qaadayo hantida militariga Israa’iil iyo Mareykanka iyo kaabayaasha dhaqaalaha ee Bariga Dhexe ay sii socon doonaan haddii aan la xirin saldhigyada ay ku sugan yihiin ciidamada Mareykanka ee gobolka.

Dhanka kalena, Gacanka muhiimka u ah dunnida ee Hormuz, oo isku xira 25% ganacsiga adduunka ayaa xiran, taasoo keentay in qiimaha saliidda cayriin ee Brent uu kor u kaco $100 halkii foosto.
Militariga Iran ayaa shalay duqeeyey 2 markab oo shidaalka qaada oo mid kamid ah laga leeyahay Mareykanka oo ku sugnaa xeebta Ciraaq, arrintaasi oo keentay in dalka Ciraaq joojiyo hawlihii dhoofinta shidaalka. Markab sadexaad oo laga leeyahay Thailand ayaa isagana burbur soo gaaray kadib markii la sheegay in lagu duqeeyey Drone.

Iran ayaa duqeynmo la beegsatay magaalada Tel Aviv iyo magaalooyin kale, iyadoo xukuumada Israel ay cunaqabateyn duldhigtay dhamaan warbaahinta inaysan baahin karin khasaaraha dhankooda soo gaaray, taasi oo keentay inaan weli si rasmi ah loo ogeyn khasaaraha soo gaaray xarumaha ay ku dhaceen gantaalada laga soo tuuray Iran.
Duqeymihii ugu danbeeyey ee ka dhacay gudaha Israel ayaa muujinayey in gantaaada difaaca ee Israel aysan shaqeenayn qeybo kamid ah dalka sida Dekkada eilat ee koonfurta oo ay xalay ku dhaceen gantaalada Iran.
Israel ayaa iyaduna duqeyn xoogan la beegsatay dalka Lubnaan, kadib markii xoogaga Xisbullah ay maalmihii lasoo dhaafay duqeynmo xoogan ka geysteen dhulka Israel heysato.




