Warbixin uu daabacay Bloomberg ayaa iftiimisay in xiisadda iyo dagaalka ka socda Iran uu si toos…

Warbixin uu daabacay Bloomberg ayaa iftiimisay in xiisadda iyo dagaalka ka socda Iran uu si toos ah u saameeyay amniga badda ee Geeska Afrika, gaar ahaan xeebaha Somalia, halkaas oo dib looga dareemayo soo laabashada burcad-badeednimada.
Warbixinta ayaa soo xiganaysa ciidamo ka tirsan European Union Naval Force oo ku sugan gobolka, kuwaas oo sheegay in xaaladda cakiran ee Bariga Dhexe ay keentay fursad ay ka faa’iidaysteen kooxaha burcad-badeedda Soomaaliyeed.
Sidoo kale, UK Maritime Trade Operations ayaa xaqiijisay in toddobaadkii la soo dhaafay ay dhaceen ugu yaraan saddex afduub oo maraakiib ah, Weeraradan ayaa ka dhacay deegaano ay ka mid yihiin Eyl, Mareero iyo Garacad oo dhammaantood ku yaalla maamulka Puntland.
Deegaannadan ayaa horey caan ugu ahaa burcad-badeednimadii xoogga lahayd dabayaaqadii 2000-meeyadii. Warbaahinta caalamka qaarkeed ayaa sidoo kale tilmaamay in ay jiraan tuhuno ku saabsan xiriir suurtagal ah oo u dhexeeya burcad-badeedda Soomaaliyeed iyo dhinacyo ka tirsan Iran, inkastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin heshiisyo toos ah.
Warbixinta ayaa lagu xusay in xukuumadda federalka ah ee Somalia lagu tuhunsan yahay inay la tacaali la’dahay xaaladda, taas oo sii xoojisay dhaq-dhaqaaqyada burcad-badeedda.



