Qiyaastii 1,000 ilaa 1,200 oo ka tirsan Daacish ayaa saldhigyo ka samaystey buuraha Cal miskood ee gobolka Bari, iyadoo ku dhawaad 70% ay yihiin ajaanib.
Taariikhda ururada argagixisada ee ku sugan buuraha nolosha qalafsan ka jirto ee istaraatiijiga ah ee dhaca Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa ka soo bilaamata sanadkii 2006-dii, markaas oo wadaad reer Boosaaso ahaa oo lagu magacaabi jirey Sheekh Maxamed Siciid Attam uu galay buuraha Galgala ee Cal Madow, isaga oo halkaas ku ururiyey dhalinyaro JIHAAD doon ah, isla sanadkaas 2006 waa markii Maxaakiimtii Islaamiga ay la wareegeen Muqdisho iyo qaybo kamid ah koonfurta dalka.
Puntland ayaa ku guuleysatey sanadkii 2010, in ay soo afjarto al-Shabaab oo laga saaro buuraha Galgala ilaa ciidamada Puntland ay gaaren saldhigii u danbeeyey ee Diin-digle.
Nasiib darro mar kale ayaa malayshiyaadka al-Shabaab waxay ku soo noqdeen buuraha Galala isla sanadkii 2011.
Soo bixitaankii Daacish ee Soomaaliya
Sanadkii 2014, wax yar kadib doorashadii Puntland iyo dhalashadii ISIS/ISIL ee Ciraaq ayaa ninka lagu magacaabo Cabdulqaadir Muumin oo katirsanaa ururka al-Shabaab u soo wareegay dhanka buuraha beeshiisu degto ee Cal Miskaad waxaana uu ka dhul bilaabay degmada Bali Dhidin ee gobolka Bari.
Malayshiyaadka Al-shabaab ee u soo wareegay dhanka buuraha Waqooyi Bari ee Cal Miskaad waxaa ka dhex qarxay dagaal waxayna ku kala qaybsameen in ay daacad u sii noqdaa al-Qaacida iyo in ay ka mid noqdaan ISIS ee ka soo baxdey Ciraaq iyo Siiriya ee uu hoggaaminaayey Abubakar al-Baqadaadi.
Sheekh Cabdulqaadir Muumin oo hoggaaminaayey labada garab ee al-Shabaab ee dagaalku dhexmaray mid kamid ah, ayaa deegaan ka dhigtey tuulooyinka ku dhaw Bali dhidin ee gobolka Bari, waxaana uu ka faa’ideystey fawdadii markaas ka jirtey halkaas ee ay sababeen kooxihii burcadbadeeda ee ku dhuuman jirey halkaas.
Puntland waxay markasta ku andacoon jirtey in al-Shabaab ay taageero ka heli jireen sirdoonka Somaliland, taas oo suurta gal uga dhigi jirtey in ay markasta buuraha dib u ugu soo noqdaan iyaga oo loojistikada ka helaya dhanka Somaliland.
Sanadkii 2015 ayaa mar kale ciidamada Puntland arraxda ka jebiyeen al-Shabaab oo dib ugu soo noqdey buuraha Galgala sanadkii 2011, ciidamada Puntland ayaa mar kale gaarey saldhigii u danbeeyey ee Diin-Digle. Isla sanadkaas 2015 ayaa kooxdii al-Shabaab ee uu hoggaaminaayey Cabdulaadir Muumin ee saldhigga ku dhawaaqeen in ay BAYCO la galeen hoggaamiyihii Daacish Sheekh Abuubakar al-Baqdaadi, waxaana ay si toos ah uga mid noqdeen Daacish.
Daacish waxaa lagu asaasey koox yar oo ka soo go’day al-Shabaab. Daacishta Soomaaliya ee gobolka Bari waxay dagaal dheer la gashey ururka kale ee al-Shabaab, waxaana dhexdooda ka bilaamay xifaaltan, ugu danbeyntii waxaa guuleystey Daacish.
Sanadkii 2016 Daacish waxay isku daydey in ay qabsato degmada qadiimiga ah ee Qandala ee dhacda xeebta gacanka cadmeed laakiin ciidamada Puntland ayaa ka saaray halkaas waxaana ay u baxsadeen buuraleyda.
Khatarta joogtada ah ee Daacish
Daacish waxay gudaha Puntland ka fulisey hawgalo badan oo lagu diley qaar kamid ah bulshada reer Puntland oo ay ku jiraan issimada dhaqanka, nabadoono, saraakiil ciidan iyo aqoonyahan kale.
Saddexdii sano ee u danbeysey waxaa hoos u dhacay hawlagalada dadka lagu dilaayo ee Daacish waxaana ay bilaabeen tartan dhaqaale. Waxaa xusid mudan in Dakhliga Daacish ee Soomaaliya uu aad u kordhay , isagoo markii hore ahaa 70,000$ bishii sanadkii 2018 waxa uu gaarey ilaa $2.5 milyan sanadkii 2021, iyo in ka badan $2 milyan oo dollar qeybtii hore ee sanadki 2022. Sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay kooxda dabagalka Qaramada Midoobay bishii Febraayo 2023, Xafiiska Isuduwidda Gobolka ee ISIS ee Afrika, wuxuu u diri jiray $25,000 bishii cryptocurrency ah taas oo loo diri jirey Daacishta Gobolka Khorasan ee Afqaanistaan.
Xubnaha Daacish ee ku sugan gobolka Bari ayaa dhibaato xoogleh ku haya bulshada, sida ganacsatada, xoolo dhaqatada iyo weliba kaluumeysatada, taas oo keentey in ganacsiga magaalada Boosaaso hoos u dhaco oo ganacsato badan ayaa kala baxay ganacsigoodi magaalada Boosaaso.
Daacish-ta Soomaaliya waxay ku guuldarraysatey in ay soo dhaafaan buuraha waaweyn ee Cal Miskaat, dadka deegaanku waxay sheegaan in ay saldhigyo ka dhigteen godadka buuraha hoostooda ah, halkaas oo ay kaga dhuuntaan diyaaradaha wax basaasa.
Daacishta Soomaaliya oo heer caalami ah
Kadib markii ciidamada Maraykanku ay ku dileen Siiriya Amiirkii guud ee Daacish Abu al-Hussein al-Husseini al-Qurashi, oo ahaa hoggaamiyihii afaraad ee laga dilo, waxaa jirta xog aad isu soo taraysey oo sheegaysa in sanadkii 2023, Daacishta caalamku isku raacday in Sheekh Cabdulqaadir Muumin uu noqdo hoggaamiyaha guud ee Daacish, waxaana magica Daacish u taqaan hadda uu yahay Abu Hafs al-Hashimi al-Quraishi taasi waxay keentey in argagixiso caalami ah in ay yimaadaan buuraha Waqooyi Bari ee Cal Miskaad, waxaana ka mid ahaa Bilaal al-Sudani oo diyaaradaha Maraykanku ay dileen sanadkii 2023.
Dhaqaalihii badnaa ee Daacish soo galay waxay ku dhisteen ciidamo badan, waxay ka faa’ideysteen Oromada badan ee nolol ka wanaagsan tay haysteen u soo doontay Puntland kuwaas oo ay shaqo siiyaan.
Waxaa lagu qiyaasaa hadda in ay buuraleyda gobolka Bari ay ku sugan yihiin 1000 ilaa 1200 oo xubnood oo ka tirsan argagixisada Daacish, kuwaas oo qiyaastii 70% ay yihiin ajnabi ka soo kala jeeda Itoobiya, Yemen, Kenya, Tansaaniya, Suuriya iyo dalal kale oo badan.
Waxaa la qiyaasi karaa in mustaqbalka, Daacishta Soomaaliya ay tahay khatar ku sii fidaysa meelo ka baxsan Soomaaliya gaar ahaan dalalka Bariga Afrika. Diirada kooxdan ee ah in la shaqaaleysiiyo dadka Oromada ah ee magan-galyada u soo doontay Puntland iyo qoraalada ay mararka qaar ku soo daabacaan afka Amxaariga ayaa muujineysa in ay tilmaamayaan rabitaan ah in ay ku faafto Itoobiya. Sodoo kale waxay khatar weyn ku yihiin gadiidka marinka Gacanka Cadmeed, iyaga oo hadda xiriir dhaw la yeeshay Xuutiyiinta Yemen.
Saldhigyada Daacish ee Cal Miskaat
Daacish ayaa saldhigyo ciidan oo gaaraya ilaa 10 saldhig ku leh buuraleyda Cal Miskaad inta u dhaxaysa Il iyo Cameero, xogta ayaa sheegaysa in saldhigyada ugu weyn ay ku leeyihiin Moqoro, Dhabancaddo, Canjeel, Siido, Togga Baalade ee Bosaso biyaha ku shuba iyo meelo kale oo ku dhaw tuulada Turmasaale. Sida xogtu sheegayso waxay samaysteen waddooyin isku xira saldhigyadooda, waxay mararka qaarkood soo gaaraan Gargoore ee ku dhaw badweynta Hindiya, Hantaara, togga Xabley iyo tuulada Tasjiic.
Hoggaanka Daacish
Cabdulqaadir Muumin oo Daacish ugu yeerto Abu Hafs al-Hashimi al-Quraishi waa hoggaamiyaha guud ee Daacishta caalamiga ah, waxaana xogtan xoojinaya in Muumin uu yahay Abu Hafs qar kamid ah ehaldiisa u dhaw. Cabdiraxmaan Faahiye Ciise ayaa u qaabislan dhaqaalaha , madaxa lacag ururinta baadda ah oo ay ug yeeraan Zakawaat waxaa u qaabilsan nin lagu magacaabo Abuu Yaxya, madaxa sirdoonka ayaa lagu magacaabaa Abuu Dalxa, halka tababaraha guud ee Daacish uu yahay nin Yemani ah oo lagu magacaabo Abuu Macaarik.
Puntland oo dagaal ku dhawaaqday
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ku dhawaaqey dagaal ka dhan ah argagixisada. Siciid Cabdullaahi Deni oo dib loogu doortey hogganka Puntland bishii Janaayo ayaa muddo ku sugnaa degmada Carmo ee gobolka Bari halkaas oo uu ka dhigtey saldhig, waxaana uu isugu keenay kumanaan ciidanka daraawiishta Puntland ka tirsan.
Dowladda Puntland marar badan ayey ka guuleysatey malayshiyaadka ururada argagixisada ah iyada oo aan helin taageero caalami ah, waxaana ka mid ahaa sanadihii 2010, 2015, 2016, markasta waxay kaga guuleysaneysey isku duubnida dadkeeda. Haddaba hawlgalkan cusub ayaan ka maarmin in dadka reer Puntland i midoobaan Dowladdu la timaado nidaam ay dadka ku mideyneyso oo ay ku wacyi gelineyso.
Caqabadaha Istaraatiijiga ah
Saraakiil aqoon u leh arrimaha ciidamada iyo dagaalada buuralaeyda oo Horseed Media kula hadley in aan magacooda la soo xigan ayaa sheegaya in bilahan ee diraacda lagu jiro ee Nofeembar ilaa Janaayo buuraha Cal Madow iyo Cal Miskaad aysan ku wanaagsaneyn in dagaal ballaaran laga fuliyo, iyada oo waddooyinku yihiin kuwo qalafsan ama aan jirin waxaa dheer ceeryaamo, dhedo iyo qabow joogto ah, waxay saraakiishu sheegeen in dhulka ay ku sugan tahay Daacish uu yahay dhul biyuhu ay ku yaryihiin sidaa darteed xoogga la saaro cunno qabateyn, ceelasha biyaha oo laga weeraro iyo in la go’doomiyo.
Gunaanad
Waxaa la dhihi karaa Daacish-ta Soomaaliya waxay khatar ku tahay caalamka oo dhan , waxay khatar weyn ku sii tahay marinka Gacanka Cadmeed. Waxaa hubaal ah in Puntland u baahan tahay taageero caalami ah, si looga wada hortago khatar kale oo ka timaada isku xiranka Daacishta Soomaaliya iyo ururada argagixisada ah ee ka jira Yemen.
Iyadoo ay soo baxayaan caddeymo isa soo taraya oo muujinaya in ururka Daacish ay xirir dhaw la yeelatey Xuutiyiinta Yemen, waxaa la gudboon dowladda Puntland in ay si dhab ah u wajahdo dagaalkan oo meel la iska dhigo khilaafaadka aan macnaha lahayn, lagana qayb-galiyo dagaalka cidkasta oo waxtar u keeni karta, si hal meel looga soo wada jeesto kooxdan, sidoo kale in maamaulku wax ka qabtaan cabashooyinka beelaha qaarkood ee ay ka faa’ideystaan kooxaha argagixisadu, sidoo kale lagana hortago qulqulka dadka Oromada ah ee sida sharci darada ah ku soo gelaya Puntland kuwaas oo ku danbeeya gacanta Daacish.
In laga horjoogsado ISIS inay soo gaaraan xarumaha dadku degaan iyo magaalooyinka waaweyn keliya kuma filna, waxa kale oo muhiim ah in la xaddido awooddooda dhaq-dhaqaaqa, abaabulka, isgaarsiinta, ururinta xawilaadda lacagaha, yaraynta cabsigelinta ganacsatada iyo muwaadiniinta. Tan waxaa lagu gaari karaa iyada oo la kordhiyo shaqada sirdoonka iyo ka qaybgalka bulshada la wacyi geliyey.
Ugu danbeyn shacabka Puntland waxaa la gudboon in ay taageeraan hawlgalka dalka looga sifeynayo ajaanibta Daacish ee dhibaatada xooggan ku haya bulshada Soomaaliyeed.
Horseed Media