Dagaalka Ruushka iyo Ukraine: Zelenskyy oo ku adkeystay xabbad joojin iyadoo Putin uu soo jeediyey wadahadal toos ah

11 May, 2025

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa soo jeediyey wadahadal toos ah oo uu kula yeesho Madaxweynaha Ukraine magaalada Istanbul ee dalka Turkiga 15-ka May, “iyadoon wax shuruud ah lagu xirin” si loo gaaro “nabad waarta”.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa sheegay in ay calaamad wanaagsan tahay in Ruushka uu bilaabay in uu ka fikiro joojinta dagaalka, balse tallaabada ugu horeysay ee la qaadayo ay noqoto in xabad joojin la bilaabo 12-ka May.

Dhanka kale, ciidamada Ukraine ayaa soo sheegay 161 dagaal oo ay la galeen ciidamada Ruushka 24-kii saac ee la soo dhaafay, iyadoo ay barbar socdeen 63 weerar oo cirka ah oo Ruushku geystay, 96 duqeyn, tobanaan gantaalo ah iyo weerarro ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn.

Dhanka kale, barasaabka gobolka Belgorod ee Ruushka, Vyacheslav Gladkov, ayaa Ukraine ku eedeeyay inay adeegsatay 102 duqeyn madfac ah iyo 66 diyaaradood oo aan duuliye lahayn si ay u fuliyaan weeraro ka dhan ah meelaha ay dadku ku badan yihiin ee gobolkiisa maalintii la soo dhaafay.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku cadaadinaya hogaamiyaha Ukraine inuu la kulmo madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin Khamiista magaalada Istanbul si wada xaajood looga yeesho joojinta dagaalka.

“Madaxweyne Putin ee Ruushka ma doonayo in uu heshiis xabbad-joojin ah la yeesho Ukraine, laakiin wuxuu rabaa inuu kula kulmo Khamiista dalka Turkiga, si uu ugala xaajoodo dhammaadka suurtagalka ah ee DHIIGA daadanaya”, ayuu yiri Trump.

Maalin ka hor, hoggaamiyeyaasha Ukraine, Faransiiska, Jarmalka, Poland iyo Ingiriiska ayaa ku baaqay xabbad joojin shuruud la’aan ah oo uu Maraykanku taageerayo oo ah 30 maalmood, laakiin Putin wuu diiday soo jeedinta.