Madaxweynaha Congo Felix Tshisekedi ayaa u safray dalka Jarmalka si uu uga qeyb galo shirka amniga ee Munich si uu u helo taageero caalamiga ah.

Dagaalyahannada M23 ee ay Rwanda taageerto ayaa sheegtay in ay la wareegeen garoonka diyaaradaha ee Kavumu ee u adeegaya Bukavu, oo ah caasimadda gobolka Koonfurta Kivu ee bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC).
Gegida dayuuradaha, oo inta badan loo isticmaalo duulimaadyada NGO-yada iyo kuwa militariga iyo taliska ciidamada DRC.
Fallaagada ayaa la sheegay in ay la kulmeen iska caabin aad u yar markii ay gudaha u soo galeen magaalada, iyadoo wakaaladda wararka ee AFP ay ku warantay in ciidamada militariga Congo ay baneeyeen garoonka.
Wakaalada wararka ee Reuters ayaa sheegtay in dagaalyahanada mucaaradka ay sidoo kale la wareegeen gacan ku heynta magaalada Katana oo qiyaastii 11km u jirta garoonka diyaaradaha.
Dhaqdhaqaaqa ayaa imaanaya ka hor shir madaxeedka Midowga Afrika oo ka furmaya dalka Itoobiya maalinta Sabtida ah.
Isku dhaca DRC ayaa noqon doona mawduuc muhiim ah oo lagaga hadlo shirka sannadlaha ah ee labada maalmood ah. Madaxweynaha Congo Felix Tshisekedi ayaa la filayay inuu ka qeyb galo shir madaxeedka balse ra’iisul wasaaraha dalka ayaa hadda loo qorsheeyay inuu bedelo.
Tshisekedi ayaa ka qeyb galay shirka amniga ee Munich ee dalka Jarmalka, si uu u helo taageero caalami ah, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay madaxtooyada oo lagu daabacay baraha bulshada Jimcihii.