Dalal cambaareeyey safiirka Israel u magacawday Somaliland.

19 April, 2026

Qaar kamid ah wadamada caalamka oo carab u badan ayaa siweyn uga soo horjeestey go’aankii ay…

Qaar kamid ah wadamada caalamka oo carab u badan ayaa siweyn uga soo horjeestey go’aankii ay Israel safiirka ugu magacday Somaliland oo qayb ka ah Jamhuuriyadda Somalia, iyagoo tallaabadaasi ku tilmaamay xad-gudub ka dhan ah madax-banaanida iyo midnimada Somalia.

Dalal ay kamid yihiin Qatar, Kuwait, Sacuudi Carabiya, Masar, Soomaaliya, Sudan, Liibiya, Bangladesh, Aljeeriya, Falastiin, Turkiga, Indonesia, Pakistan, Mauritania, Urdun iyo Cumaan ayaa si adag u qaadacay tallaabadaasi oo ka hor-imaanaysa shuruucda caalamiga ah.

Go’aanka dalalkaan ayaa si cad u tilmaamaya in tallaabada Israel ay tahay mid ka hor imaaneysa mabaadi’da aasaasiga ah ee sharciga caalamiga ah, gaar ahaan ixtiraamka madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dowladaha xubnaha ka ah Qaramada Midoobey.

Wasiirada dalalkaasi ayaa shaaciyey inay diidan yihiin tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo wax u dhimaysa jiritaanka dowladnimada Soomaaliya, iyagoo muujiyay taageero aan leexleexad lahayn oo ay u hayaan midnimada iyo madax-bannaanida dalka.