Dalalka Ciidamadu ka joogaan Somalia & DFS oo ku heshiiyey taageero laga dalbado QM.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dalalka ciidamada ku leh Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya…

31 July, 2026

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dalalka ciidamada ku leh Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa isku raacay in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay laga codsado in muddo u dhaxaysa 18 illaa 24 bilood lagu kordhiyo taageerada howlgalka, si loo sii xoojiyo dadaallada lagu sugayo amniga iyo xasiloonida Soomaaliya.

Go’aankan ayaa lagu gaaray shir ay magaalada Kampala ee dalka Uganda ku yeesheen Wasiirrada Gaashaandhigga iyo mas’uuliyiin ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dalalka ciidamada ku biiriya AUSSOM, oo ay ka mid yihiin Uganda, Kenya, Itoobiya, Jabuuti, Burundi iyo Masar. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda amni ee Soomaaliya, dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, iyo sidii loo heli lahaa maalgelin waarta oo lagu sii wadi karo howlgalka.

Mas’uuliyiintu waxay sidoo kale ka wada hadleen muhiimadda ay leedahay in laga hortago firaaq amni oo ka dhalan karta haddii uu dhammaado taageerada Mareykanka ee AUSSOM, taas oo la filayo inay ku egtahay dhammaadka sannadka 2026. Waxaa la isku raacay in loo baahan yahay qorshe mideysan oo lagu xaqiijinayo sii socoshada howlgalka inta ay ciidamada Soomaaliya awood buuxda yeelanayaan.

Warmurtiyeedkii ka soo baxay shirka ayaa lagu adkeeyay dardargelinta dhismaha, tababarka iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si ay mustaqbalka ula wareegaan mas’uuliyadda sugidda amniga dalka, isla markaana loo yareeyo ku tiirsanaanta ciidamada shisheeye.

Shirka Wasiirrada Gaashaandhigga ayaa gogol-xaar u ahaa shir-madaxeedka madaxda dalalka ciidamada ku biiriya AUSSOM iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya oo lagu wado inuu ka qabsoomo magaalada Kampala, halkaas oo la filayo in lagu gaaro go’aanno la xiriira mustaqbalka howlgalka, taageerada caalamiga ah iyo qorshaha kala-guurka amniga Soomaaliya.