Dalalka ciidamadu ka joogaan Somalia oo Kapmala ku shiraya.

25 April, 2025

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa habeenimadii xalay gaaray magaalada Kampala…

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa habeenimadii xalay gaaray magaalada Kampala ee caasimadda dalka Uganda, oo kamid ah saaxiibada ciidamadu ka joogaan Soomaaliya.

Safarka socdaalka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee dalka Uganda ayaa waxa uu salka ku hayaa ka qaybgalka shirka dalalka qaybta ka ah Hawlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM kaasi oo maanta ka furmi doona Kampala.

Madaxwaynaha ayaa inta uu socdo shirka waxa uu soo bandhigi doonaa guulaha Dowladda iyo shacabka oo iskaashanaya ay ka gaareen hawlgallada ka dhanka ah argagixisada, isaga oo sidoo kale madaxda dhiggiisa ah kala hadli doonaa dardargalinta iskaashiga wadajirka ah ee dalka looga ciribtirayo Khawaarijta.

Guddoonka Midowga Africa ayaa dedaal ku bixinaya sidii taageero loogu heli lahaa hawlgalka ciidanka nabad ilaalinta Afrika ee jooga Somalia, kadib markii uu yaraaday dhaqaalihii dalalka caalamku ku bixin jireen.