Waddamada India iyo Pakistan ayaa ku guulaystey inay gaaraan xabad joojin deg deg ah si wax…

Waddamada India iyo Pakistan ayaa ku guulaystey inay gaaraan xabad joojin deg deg ah si wax looga qabto xiisadda sii adkaanaysay ee maalmihii la soo dhaafay u dhexeeyey labada dal ayna ku dhinteen tiro ka badan 60 ruux.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa baraha bulshada ku baahiyey in labada dal ay ku heshiiyeen xabad joojin deg deg ah si meesha looga saaro cabsida laga qabo dagaal ka dhex qarxa.

Pakistan iyo India ayaa mar sii horeysay bartilmaameedsaday saldhigyada militariga midba midka kale iyadoo Islamabad ay billowday “Howlgalka Bunyan Marsoos” ka dib markii saddex saldhig oo hawada Pakistan ah lagu bartilmaameedsaday “gantaallada hawada ilaa-korka” ee Hindiya.