Shirkii sanadlaha ahaa ee isbaheysiga NATO oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay Ankara ka socday ayaa kusoo dhamaaday balanqaadyo horleh oo uu Mareykanka ka helay dalalka xulafada la ah inay iibsan doonaan hub badan oo uu dalkaasi soo saaro.

Furitaankii shirka ayuu Trump markale ku celiyey hanjabaadiisii ahayd inuu isaga bixi doono isbaheysiga, wuxuu ku eedeeyey xubnaha EU-da ee Nato inaysan Mareykanka ka caawin dagaalkii Iran, sidoo kale dalka Spain ayuu ugu hanjabay inuu tilaabo ka qaadayo, isagoona sheegay inuu kasoo qeyb galka shirkan Ankara uu kaliya ku ixtiraamay Madaxweynaha Turkiga Erdogan oo ay xiriir fiican leeyihiin.
Balse xiritaankii shirka Trump si weyn ayuu wax uga badalay hadaladiisii adkaa, isagoo soo dhaweey balanqaadka dalalka xubnaha ka ah NATO inay sare u qaadi doonaan miisaaniyadooda militariga iyo difaaca, sidoo kale Xoghayaha NATO Rutte ayaa si weyn amaan kala duldhacay Trump dadaalkiisa horumarinta isbaheysiga.

Isbahaysiga NATO ayaa ugu yaraan $50 bilyan oo heshiisyo difaac ah ku dhawaaqay.
Waxaa kamid ahaa heshiis $5 bilyan ah oo ay galeen 11 xulafo si ay u iibsadaan diyaaradaha digniinta hore ee hawada iyo difaaca oo ay soo saarto shirkadda difaaca ee Sweden ee Saab, taasoo beddeleysa nidaamkii hore ee shirkadda Mareykanka ee Boeing oo duugoobay.
Xulafada ayaa sidoo kale ballan qaaday $2.7 bilyan si ay u helaan ilaa shan diyaaradood oo ilaalo ah nooca Triton oo la siiyey qandaraaslaha shirkadda difaaca Mareykanka ee Northrop Grumman, halka in ka badan $40 bilyan lagu maalgelin doono awoodaha ka hortagga diyaaradaha aan duuliyaha lahayn shanta sano ee soo socota, sida uu sheegay Xoghayaha NATO, Rutte.
Inkastoo Mareykanka ku faraxsan yahay in ay heleen shirkadihiisa difaaca heshiis cusub oo ay dalalka Yurub ku iibsanayaan hubka Mareykanka soo saaro, hadana dhinaca kale Xukuumada Trump ayaa si weyn u dhibsatay qorshaha dalalka EU-da ay doonayaan inay sare ugu qaadaan shirkadahooda hubka soo saara halkii ay horey ugu tiirsanaayeen shirkadaha Mareykanka.




