Tiro kamid ah dalalka qaaradda Yurub ayaa la kulmay weerar dhanka Internet-ka ah oo lagu beegsaday…

Tiro kamid ah dalalka qaaradda Yurub ayaa la kulmay weerar dhanka Internet-ka ah oo lagu beegsaday nidaamyada qaboojiyaha iyo tallaagadaha dukaamada waaweyn, kaas oo sababay in heerkulka qalabkaasi si lama filaan ah kor loogu qaado, taas oo keentay in cuntooyin iyo cabitaanno badan ay xumaadaan.
Warbaahinta Reuters, The Guardian iyo Euronews ayaa sheegtay in weerarkan cusub uu saameeyey dukaamo ku yaalla dalalka Belgium, Sweden, Finland, Ireland, Estonia, Luxembourg iyo Netherlands, iyadoo weerarro dhacay habeenkii Axadda iyo subaxnimadii Isniinta, lagu farageliyey kombiyuutarrada maamula qaboojiyeyaasha, una beddeleen habka ay u shaqeeyaan, taas oo sababtay in heerkulku meelo gaar ah gaaro ilaa 50 darajo Celsius.
Shirkado ay ka mid yihiin Carrefour, Delhaize, Colruyt, ICA, Coop iyo SuperValu ayaa xaqiijiyey in qaar ka mid ah xarumahooda ay dhibaatadu saameysay, halka dukaamo lagu khasbay inay tuuraan hilibka, caanaha iyo cuntooyinka kale ee u baahan qaboojin si looga hortago khatar caafimaad.
Waar markii 2aad oo weerarro noocan ah muddo kooban gudohood lagu qaadayo dukaamada Yurub, kaddib markii 12-kii Oktoobar weerar la mid ah uu saameeyey boqolaal suuq oo ku yaalla Faransiiska, halkaas oo qaboojiyeyaasha qaarkood heerkulkoodu gaaray 50 darajo, taasoo sababtay khasaare cunto iyo dab ka kacay xarumo qaarkood, iyadoo Hay’adaha amniga internet-ka iyo booliska dalalkaasi ay saameeyeen ayaa baaritaanno wada, iyadoo Belgium ay furtay baaritaan dambiyeed, balse illaa hadda lama shaacin cidda ka dambeysa weerarrada, mana cadda inay dhammaantood xiriir leeyihiin.




