Wasiirka arrimaha dibadda Iran Cabbaas Araghchi ayaa lagu wadaa in uu magaalada Geneva kula kulmo dhiggiisa…

Wasiirka arrimaha dibadda Iran Cabbaas Araghchi ayaa lagu wadaa in uu magaalada Geneva kula kulmo dhiggiisa Faransiiska, Jarmalka iyo Boqortooyada Ingiriiska.
Dhinacyada ayaa la qorsheeyey inay ka wada hadlaan barnaamijka Nukliyeerka ee Iran iyo soo afjaridda weerarada Israel iyo Iran oo galay maalinkii 8aad.
Dhanka kalena, Aqalka Cad ayaa sheegay in fuursadda wada xaajoodka awgeed, Madaxweyne Donald Trump uu go’aamin doono labada toddobaad ee soo socda in Maraykanku uu Israa’iil kula biiri doono dagaalka Iran iyo inkale.
Iran ayaa xoojisay duqaymaha Tel Aviv, xilli la rumaysan yahay in jaritaanka Internetka gudaha Iran uu yareeyey sahankii diyaaradaha Drones-ka Israa’iil ee gudaha Iran.