Dalalka Yurub oo taageero ballaaran u balanqaaday Ukraine

3 March, 2025

Madaxa Komishanka Yurub Ursula von der Leyen ayaa sheegtay in qorshaha ‘taageero ballaaran’ ee difaaca, iyadoo Ra’iisul Wasaaraha Britain Keir Starmer uu soo jeediyay ‘isbahaysiga cusub’ ee lagu xaqiijinayo nabadda Ukraine.

Raiisel wasaaraha Britain Keir Starmer ayaa isugu yeeray madaxda Yurub si ay u xoojiyaan taageerada ay u hayaan Ukraine, shir ka dhacay London.

Dalalka Canada iyo Turkiga ayaa sidoo kale ka qeyb galay.

Starmer ayaa ku dhawaaqay ​​2 bilyan oo doollar oo lagu taageerayo Ukraine iyo “isbahaysiga cusub” si loo difaaco dalka.

Madaxa Komishanka Yurub Ursula von der Leyen ayaa sheegtay in komishanku uu soo jeedin doono qorshe dib loogu hubeynayo dalalka Yurub oo horey ugu tiirsanaan jiray taageerada Mareykanka.

Xoghayaha Guud ee NATO Mark Rutte ayaa ku tilmaamay “kulan aad u wanaagsan” wuxuuna ka dhawaajiyay in dalal badan ay u badan tahay inay ku dhawaaqi doonaan kordhinta kharashka difaaca.

Kulankan deg dega ahaa ayaa lagu soo beegay maalmo kadib kulankii murranka kusoo dhamaaday ee Washington ku dhexmaray madaxweynayaasha Mareykanka iyo Ukraine.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy oo kulanka London kadib suxufiyiinta la hadlay ayaa sheegay inuu jeclaan lahaa inuu xal u helo xiriirka sii xumaanaya ee xukuumadiisa iyo maamulka cusub ee Mareykanka ee Trump.