Dabley hubeysan ayaa rasaas ku furay goob fasaxa loo dalxiis tago oo u dhow Pahalgam, halkaasoo ay ku dileen in ka badan 20 qof.

Ugu yaraan 26 qof ayaa la dilay ka dib markii rag hubeysan ay rasaas ku fureen meel u dhow goob loo dalxiis tago oo ku taal Kashmir qeybta ay Hindiya maamusho Talaadadii, sida ay saraakiishu sheegeen.
Ra’iisul wasaaraha Hindiya, Narendra Modi, ayaa toogashada ku tilmaamay mid “Weerar Argagaxiso”, oo ay sidoo kale dhowr qof ku dhaawacmeen.
Dadka dhintay ayaa u badan dalxiisayaal u dhashay dalka Hindiya. Ajaanibta qaar ayaa ka mid ah dadka dhintay, sida ay ku warrantay warbaahinta gudaha.
Toogashada ayaa ka dhacday meel u dhow magaalada loo tamashlaha tago ee Pahalgam, oo qiyaastii 90 kiiloomitir (55 mayl) u jirta wadada Srinagar, oo ah caasimadda xagaaga ee gobolka lagu muransan yahay.
Madaxa xukuumadda Cumar Cabdallah ayaa sheegay in “weerarkan uu ahaa kii ugu weynaa oo lagu beegsado dadka rayidka ah sanadihii u dambeeyay”.
Sida laga soo xigtay warbaahinta Hindiya, The Resistance Front (TRF), oo ka tirsan kooxda la mamnuucay ee Lashkar-e-Taiba, ayaa sheegatay mas’uuliyadda toogashada.
Lashkar-e-Taiba ayaa ka dambeeyay weeraro xiriir ah oo ka dhacay Mumbai bishii November 2008-dii oo ay ku dhinteen 166 qof.