Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool waxaa weli ka socda shirka dhammaystirka maamulka SSC KHATUMO oo…

Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool waxaa weli ka socda shirka dhammaystirka maamulka SSC KHATUMO oo ay garwadeen ka tahay dowladda federalka ah ee Soomaaliya.
Shirka oo maalmihii la soo dhaafay siweyn ergooyinku ugu kala dheeraadeen qodobada qaar ayaa waxaa qorshuhu ahaa in maanta la soo afmeero iyadoo qaar kamid ah ergooyinkii gobolk Sanaag ay ka biyo diideen qaabka wax loo qaybsaday iyadoo qayb kamid ah xabsiga loo taxaabay.
Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Puntland Cabdixakiin Xaaji Cumar Camey oo warbaahinta la hadlay ayaa ka dalbaday qaban qaabiyayaasha shirka inaysan ka leexin wadadiisa isla markaana la joojiyo marin habaabinta iyo ergooyinka sida khasabka ah loogu dirqinayo saxiixa dastuurka.
“Cid walba waxay nala rabtaa inaan maamul noqono laakiin xeglo geel wax la qariyo ka weyn ee aan dadka wax dhisanaya dhegaysano aragtidooda iyo rabitaankooda”, Ayuu yiri Camey.



