Danjire Camey oo walaac ka muujiyey natiijada doorashadii Waqooyi Bari.

Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Puntland xilal danjirenimona ka soo qabtay Dowladda Somalia, Ambasadoor Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar…

1 September, 2025

Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Puntland xilal danjirenimona ka soo qabtay Dowladda Somalia, Ambasadoor Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar (Camey) ayaa dhaliilay hanaankii ay u dhacday doorashadii maamulka Waqooyi Bari.

Camey oo ku sugan Magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka Waqooyi Bari Somalia ayaa ugu horrayn sheegay in doorashada uu hareeyey musuqmaasuq iyo nin jeclaysi ay waddey dowladda federalka ah ee Somalia, si loo soo saaro hoggaan taabacsan Villa Somalia.

Danjire Camey, waxa uu caddeeyey in xildhibaanadii doorashada ka qaybgalay ee ka soo jeedey gobolka Sanaag aysan sii joogi doonin golaha ayna tahriibi doonaan, isagoo walaac ka muujiyey isfahamka iyo wadashaqaynta ay yeelan karaan Madaxweyne Firdhiye iyo ku-xigeenkiisa Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

Dhanka kalena, Camey ayaa musharax Jamaal Maxamed Xasan ku eedeeyey inuu dhabar jebiyey siyaasiyiintii mucaaradka ee ay ku heshiiyeen in isbedel laga sameeyo doorashada kahor inta uusan maalinkii doorashada u gacan gelin Firdhiye, isagoo sheegay in tallaabadaasi ay dhabar jab ku tahay mustaqbalkiisa siyaasadeed.