Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa u magacaabay diblomaasiga Mareykanka James Swan inuu noqdo…

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa u magacaabay diblomaasiga Mareykanka James Swan inuu noqdo Ergeyga Gaarka ah ee u qaabilsan Hawlgalka Xasilinta Qaramada Midoobay ee dalka Democratic Republic of the Congo.
War-saxaafadeed kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in James Swan uu hoggaamin doono howlgalka Qaramada Midoobay ee dalka Democratic Republic of the Congo (MONUSCO), isagoo xilka kala wareegaya Bintou Keita, oo horay u hayey xafiiska.
Tallaabadaan ayaa ka dhigan inuu bannayn doono shaqadii uu Somalia ka hayey ee ahayd Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud iyo madaxa United Nations Transitional Assistance Mission in Somalia (UNTMIS).
Bixitaanka Swan ee Muqdisho ayaa kusoo aadaya xilli xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ay kacsan tahay, ayna hoggaanka siyaasaddu isku diidan yihiin jihada doorasho ee uu dalku aadi doono.



