Ciidanka Daraawiishta Dawladda Jubbaland ayaa maalintii labaad howlgal ballaaran oo lagu xaqiijinayo amniga Kawada, waddooyinka isku…

Ciidanka Daraawiishta Dawladda Jubbaland ayaa maalintii labaad howlgal ballaaran oo lagu xaqiijinayo amniga Kawada, waddooyinka isku xira Degmooyinka Doolow, Luuq, Beled Xaawo iyo Deegaanada hoos yimaada.
Ujeeddada howlgalka ayaa ah in laga hortago falalka dhibaatada iyo khataraha ay kooxaha Khawaarijtu ku hayaan shacabka deegaanka, iyadoo ciidamadu xoojiyeen joogitaankooda goobaha istiraatiijiga
Maxamuud Cabdi Xashi iyo Taliye Maxamed Xasan Buulle, oo kamid saraakiisha hogaaminsaysa Hawlgalka ayaa warbaahinta u sheegay in ujeedka ugu weyn uu yahay kahortagga dhagarta Khawaarijta iyo xaqiijinta nabadda dadka shacabka ah. Sidoo kale, waxay shacabka ugu baaqeen inay si dhow ula shaqeeyaan ciidanka si loo adkeeyo nabadda iyo xasilloonida.
Howlgalkan qorshaysan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee ay ciidanka Daraawiishta Jubbaland ku xaqiijinayaan amniga iyo degganaanshiyaha deegaanada Junaland.





