Darawal gargaar ka keenay Urdun ayaa toogtay laba askari oo Israa’iili ah oo ku dhintay meel laga galo Daanta Galbeed ee la haysto, Jordan iyo Israel ayaa sidaas sheegay. Dhinaca kale afar askari oo Israa’iiliyiin ah ayaa lagu dilay qarax ka dhacay koonfurta Qaza.

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in laba askari oo Israa’iili ah uu dilay darawal u dhashay dalka Urdun, darawalkaasi oo waday gaari gargaar bini’aadantinimo u siday Gaza.
Weerarka ayaa ka dhacay Buundada King Hussein, sidoo kalena loo yaqaano buundada Allenby, oo gashay daanta galbeed ee dhulka la heysto ee Falastiin.
Ciidamada difaaca Israa’iil (IDF) ayaa sheegay in ay ku taliyeen in dowladdu ay joojiso gargaarka bini’aadantinimo ee ka imaanaya Jordan inta laga baarayo “darawalada u dhashay Urdun (Jordan).”
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Urdun ayaa bayaan ay soo saartay ku cambaareysay weerarka, waxayna sheegtay in baaritaan lagu sameyn doono, iyadoo sheegtay in toogashadaasi ay halis ku tahay doorkeeda bini’aadantinimo ee Gaza.
Dhinaca kale, Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in afar askari looga dilay koonfurta Gaza, dhimashadii ugu horreysay oo lasoo sheegayo tan iyo markii uu billowday duullaanka ay ku qabsanayaan magaalada Gaza.




