Shacabka ku nool deegaannada Galmudug ayaa saaka u dareeray doorasho qof iyo cod ah, taas oo…

Shacabka ku nool deegaannada Galmudug ayaa saaka u dareeray doorasho qof iyo cod ah, taas oo lagu dooranayo golayaasha deegaanka iyo golaha wakiillada ee maamulka Galmudug.
Doorashadan ayaa ka socota 11 degmo oo ka tirsan gobollada Galgaduud iyo koonfurta Mudug, kuwaas oo kala ah Dhuusamareeb, Cadaado, Guraceel, Caabudwaaq, Balanbale, Hobyo, Xarardheere, Xeraale, Ceeldheer, Galcad iyo koonfurta Gaalkacyo.
Sida xogaha la shaaciyey, in ka badan 200,000 oo qof ayaa iska diiwaangeliyey ka qaybgalka codbixinta, waxaana doorashadan lagu soo dooranayaa 243 xubnood oo gole deegaan ah iyo 89 xubnood oo gole wakiillo ah.
Sida ay sheegeen masuuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo doorashadan maamulaysa, waxaa la filayaa in natiijada doorashadu ay saldhig u noqoto soo xulista hoggaanka cusub ee Galmudug, iyadoo Liibaan Shuluq lagu sheegay musharrax uu taageerayo ururka JSP ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.




