Deegaamada Puntland oo laga mamnoocay soo iibsiga hubka iyo gaadiidka dagaalka.

Xukuumadda Puntland ayaa deegaamadeeda ka mamnoocday in hub shari darro au lagu qaato ama lagu dhex…

2 September, 2026

Xukuumadda Puntland ayaa deegaamadeeda ka mamnoocday in hub shari darro au lagu qaato ama lagu dhex wato magaalooyinka, iyada oo hay’adaha amniga iyo caddaaladda lagu amray in ay tallaabo sharci ah ka qaadaan cid kasta oo lagu qabto haysashada, soo gelinta, iibinta ama isticmaalka hub sharci darro ah gudaha deegaannada Puntland.

”Dowladda Puntland waxay la wareegaysaa hub kasta oo sharci darro ah oo la qabto, waxaana hay’adaha amniga iyo caddaaladda lagu amray inay tallaabo sharci ah ka qaadaan cid kasta oo lagu qabto haysashada, soo gelinta, iibinta ama isticmaalka hub sharci darro ah gudaha deegaanada Puntland”, Ayaa lagu yiri War-saxaafadeed ka sioo baxay Puntland.

Dhanka kalena, waxaa la joojiyey in deegaamada Puntland la soo geliyo gaadiid dagaal iyo hub aan ka ahayn kan dowladda,”Waxaa la joojiyey in gudaha Puntland la soo geliyo gaadiid loo isticmaali karo in lagu xiro hub ama agab ciidan. Gaadiidkaas waxaa lagu keeni karaa oo kaliya in ogolaansho laga helo Taliska Ciidanka, uuna saxiixo Madaxweynaha Dowladda Puntland. Hay’adaha amnigu waxay amar buuxa u qabaan in ay la wareegaan wixii gaadiid ciidan oo sifo sharci darro ah ku soo gala gudaha Puntland.”