Deegaamada Tasjiic iyo Xabley oo laga taageeray ciidamada difaaca Puntland.

5 March, 2025

Bulshadada deegaamada Tasjiic iyo Xabley ee gobolka Bari ayaa taageero u muujiyey hawlgalka Hillaac ee ay…

Bulshadada deegaamada Tasjiic iyo Xabley ee gobolka Bari ayaa taageero u muujiyey hawlgalka Hillaac ee ay ciidamada difaaca dowladda Puntland kooxaha nabaddiidka ah kaga ciribtirayaan buuraleeyda Cal-madaw iyo Cal-miskaad.

Qaar kamid ah odayaasha iyo waxgaradka deegaamadaasi iyo xildhibaanada laga soo doorto oo booqday saldhigyada ciidanka ayaa sheegay inay siweyn u taageersan yihiin dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish ee ka socda buuraleeyda Cal-miskaad, ayna dowladda siin doonaan waxwalba oo looga baan yahay.

“Wax walba oo aad nooga baahan tihiin diyaar baan idiinla nahay, xitaa hadda dhehdaan furimaha nala jooga oo nagu hoggaamiya goobaha dagaalka waa joogaynaa”, ayey dheheen qaar kamid ah waxgaradka deegaanka oo ciidamada booqday.