Bulshada deegaanka Muudiye ee gobolka Raas-casayr Puntland ayaa sheegay inaysan weligood la kulmin Mas’uuliyiin dowladeed.

Deegaanka Muudiye ee degmada Murcanyo oo katirsan gobolka Raas-casayr waxaa maanta gaarey wefti ballaaran oo katirsan golayaasha dowladda Puntland, maamulka gobolka iyo siyaasiin deegaanka ka soo jeeda.
Weftigaan oo la hadlay bulshada deegaanka ayaa sheegay inay Muudiye u yimaadeen adkaynta nabadgelyada iyo u kuurgelidda baahiyaha aasaasiga ah ee ay qabaan bulshada deegaankaasi iyo deegaamada kale ee gobolka Raas-casayr.
Guddoomiyaha Raas-casayr Cumar Cismaan Siciid, ayaa sheegay inay deegaanka Muudiye ka jiraan baahiyo xooggan oo ay kamid yihiin biyo la’aan baahsan iyo dhibaato dhanka ammaanka ah maadaama ay kutaal deegaamo buuraleey ah oo ay usoo gudbi karaan kooxaha nabaddiidka ah ee ciidanka ammaanka Puntland ugaarsiga ku hayaan.
“Muudiye waxay qabtaa baahi biyood iyo mid amni oo habeenkii kama seexdo taleefoonka igaga soo dhaca Muudiye waa igaga naxdin badan yahay telefanada kale ee gobolka igaga soo dhaca”, Ayuu yiri guddoomiye Cumar Cismaan.
“Anagu nabad baannu haysanaa, reer Muudiye dowlad ma yaqaaniin, waa dowladdii ugu horraysay ee nasoo gaarta nasiib ayaanna u yeelanay in weftiga intaas le’eg noo yimaado”, Guddoomiyaha deegaanka Muudiye.