Bulshada deegaan Beereedka Caano-yaska degmada Garoowe ee gobolka Nugaal ayaa Hadhimo-sharafeed u sameeyey guddoomiyaha maxkamadda derejada…

Bulshada deegaan Beereedka Caano-yaska degmada Garoowe ee gobolka Nugaal ayaa Hadhimo-sharafeed u sameeyey guddoomiyaha maxkamadda derejada 1aad ee degmada Garoowe gobolka Nugaal, Xildhibaano katirsan golaha deegaanka degmada Garoowe, Madaxa ugu sarreeya Hay’adda Kaalo Netherlands, nabadoono iyo qaar kamid ah haldoorka gobolka Nugaal.
Munaasabaddaan ayaa daarranayd soodhaweyn iyo mahadnaq lagu maamuusay Madaxa Hay’adda Kaalo Netherlands Cabdisalaan Faarax Cali Karood oo kaalin weyn ka qaatay horumarinta deegaanka gaar ahaan dhismaha dugsiga hoose dhexe ee deegaanka Caano-yaskax.
Maamulka iyo bulshada deegaanka ayaa mahadnaqa kadib soo bandhigay fursadaha maalgashi ee kajira deegaanka, baahiyaha ay qabaan beeraleeydu iyo sida ay diyaarka ugu yihiin inay soo dhaweeyaan cidkasta oo deegaanka waxgashanaysa.





