Deg-Deg: Israel oo weerar ku qaaday IRAN

13 June, 2025

Milatariga Israel ayaa sheegay in ay qaadeen mowjado duqeymo ah oo ka dhan ah militariga Iran iyo xarumaha Nukliyeerka.

Israa’iil ayaa ku dhawaaqday in ay duqeysay bartilmaameedyada Nukliyeerka Iran si ay uga horjoogsato Tehran in ay sameysato hubka nukliyeerka, iyada oo intaa ku dartay in taliyeyaasha Iran iyo warshadaha gantaallada la duqeeyey.

Warbaahinta Iran iyo goob joogayaal ayaa sheegay in qaraxyo ay ka dhaceen guud ahaan caasimadda Iran iyadoo lagu soo waramayo inay ku dhinteen saraakiil sare iyo khubarada Nukliyeerka.

Telefishinka Press TV ee Iran ayaa sheegay in xarunta Nukliyeerka ee Natanz ay Israa’iil bartilmaameedsatay.

Inta u dhaxaysa lix ilaa sagaal qarax ayaa lagu soo waramayaa in ay ka dhaceen caasimadda.

Jeneraal Hossein Salami, Taliyaha Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC), ayaa lagu dilay weerar ay Israa’iil la beegsatay dhismo uu degganaa.

Wakaalada wararka ee Iran ee Tasnim ayaa ku warantay in saynis-yahano ku takhasusay cilmiga nukliyeerka Mohammad Mehdi Tehranchi iyo Fereydoun Abbasi lagu dilay duqeymaha Israel.

Tehranchi waxa uu ahaa saynis-yahan nukliyeer ah iyo madaxa jaamacadda Islamic Azad, halka Abbasi uu ahaa madaxii hore ee hay’ada tamarta Atoomikada ee Iran.

Ali Shamkhani, oo ah la taliyaha hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Ayatollah Ali Khamenei, ayaa “si xun loo dhaawacay” weerarrada Israel ay ku qaaday Tehran saacadihii la soo dhaafay, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda ee Nour News.

Ilo-wareedyada ayaa sheegay in la beegsaday dhismaha milleteriga Parchin iyo laba dhismo oo ammaankooda aad loo adkeeyay oo ay degenaayeen taliyeyaasha ciidamada Iran iyo dhismayaal badan oo shacab.

Milateriga Israa’iil ayaa weeraray ugu yaraan lix saldhig oo milatari oo ku yaalla agagaarka Tehran, sida uu ku warramay wargeyska New York Times, isagoo soo xiganaya afar sarkaal oo sare oo Iran ah oo aan la magacaabin.

Goobaha ayaa la xaqiijiyay in la duqeeyey:

  • Caasimada Tehran iyo goobaha militariga ee ku hareeraysan.
  • Magaalada Natanz, oo ku taal koonfurta Tehran, taas oo ah goobta ugu weyn ee tayeenta uranium-ka Iran.
  • Magaalada Tabriz, oo ku taal waqooyi-galbeed ee Tehran, halkaas oo laga soo sheegay qaraxyo meel u dhow xarun cilmi baaris ah oo nukliyeer ah iyo laba saldhig oo milatari.
  • Magaalada Isfahan ee koonfurta Tehran.
  • Magaalada Arak, oo koonfur-galbeed ka xigta Tehran.
  • Magaalada Kermanshah, ee galbeedka Tehran.