Degmada Eyl oo lagu guulaystey in la aaso marxuum tallaagad kujirey 12 cisho.

19 May, 2025

Mas’uuliyiin katirsan Puntland ayaa ku guulaystay in xal laga gaaro kiis dil oo muddo 12 cisho…

Mas’uuliyiin katirsan Puntland ayaa ku guulaystay in xal laga gaaro kiis dil oo muddo 12 cisho kahor ah ka dhacay degmada Eyl ee gobolka Nugaal, kadib markii ehelada marxuumku dalbadeen in la keeno ciddii ka dambaysay dilkiisa.

Kiiskaan oo uu ku geeriyoodey Cabdirashiid Abshir Sanco ayaa waxa uu dhacay kadib markii ay israsaasayn dhexmartay ciidanka badda Puntland iyo rag hubaysan oo ku sugnaa degmada Eyl.

Taliyaha guutada Duufaan Gen. Qalyare oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in lagu guulaystey aaska marxuumka, wuxuuna bulshada ugu baaqay inay adkaystaan nabaddooda.