Dekedaha Muqdisho iyo Berbera oo loo aqoonsaday kuwa ugu wanaagsan Bariga Africa.

Xukuumadda federalka ah ee Somalia ayaa shaaca ka qaadday in dekedaha Magaalooyinka Muqdisho iyo Berbera ay…

28 September, 2025

Xukuumadda federalka ah ee Somalia ayaa shaaca ka qaadday in dekedaha Magaalooyinka Muqdisho iyo Berbera ay kamid noqdeen deked kuwa ugu wanaagsan Bariga Africa sanadkii hore ee 2024.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda dekedaha iyo gaadiidka badda xukuumadda Somalia ayaa lagu sheegay in qiimaynta Bangiga adduunka iyo Hay’adda xog-ururinta suuqa caalamiga ah ay ku caddeeyeen in labada dekedood noqdeen kuwa heerkoodu sarreeyo.

Warbixintaan oo lagu qiimeeyey 407 dekedood oo ay kujiraan 47 dekedood oo ku yaalla qaaradda Africa ayaa lagu xusay in dekedaha Muqdisho iyo Berbera yihiin kuwa ugu muhiimsan Bariga Africa.