Mas’uuliyiinta dekedda Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in dekeddu ku…

Mas’uuliyiinta dekedda Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in dekeddu ku biirtay ururka caalamiga ah ee dekedaha ee International Association of Ports and Harbors (IAPH).
Tallaabadaan ayaa Maamulku ku sifeeyey guul u soo hoyatey shaqaalaha, iyo gaadiidka dekedda maadaama ay sare u qaadeyso xiriirka caalamiga ah ee dekedda iyo horumarinta howlaha ganacsiga badda.
Ururka IAPH oo la aas aasay sanadkii 1959 ayaa xaruntiisu tahay magaalada Tokyo ee dalka Japan, waxaana xubno ka ah in ka badan 190 dekedood oo ku kala yaalla 89 dal oo caalamka ah.
Dekedda Magaalada Muqdisho ayaa la sheegay in arrintaani ay u sahlayso inay qayb qaadato shirarka iyo doodaha caalamiga ah ee la xiriira dekedaha, isla markaana ay ula jaanqaaddo tiknoolajiyada casriga ah ee maamulka dekedaha.



