Guud ahaan waxaa maanta dib loo furay dhammaan goobaha ganacsiga iyo dekedda magaalada Boosaaso, iyadoo magaalada…

Guud ahaan waxaa maanta dib loo furay dhammaan goobaha ganacsiga iyo dekedda magaalada Boosaaso, iyadoo magaalada laga dareemayo dhaqdhaqaaq ganacsi oo xooggan iyo isu socodkii oo dib u soo laabtay, kaddib maalmo uu hakad ku jiray ganacsiga.
Furitaanka ayaa yimid kaddib heshiis shalay laga gaaray khilaafkii u dhexeeyay ganacsatada, Dowladda Puntland iyo ganacsatada badeecooyinka kala soo dega dekedda Magaalada Boosaaso oo ay dhawaan dowladdu ku soo rogtey khidmad la saaray doomaha iyo maraakiibta.
Heshiiska la gaaray ayaa dhigay in dib loo eego khidmadihii lagu muransanaa, iyadoo Dowladda Puntland iyo shirkadda DP World ay oggolaadeen in la dhimo qaar ka mid ah lacagihii ay ganacsatadu ka cabanayeen. Sidoo kale waxaa lagu heshiiyay tacriifad cusub oo ay wada aqbaleen dhammaan dhinacyadu.
Khilaafka ayaa sababay in muddo ka badan toddobaad ay xirnaadaan inta badan goobaha ganacsiga Boosaaso iyo dhaqdhaqaaqii dekedda, taas oo saameyn ku yeelatay isu socodka badeecadaha iyo dhaqaalaha guud ee Puntland.




