Deni iyo Axmed Madoobe oo muddo kadib ku kulmaya Nairobi.

20 May, 2025

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo muddooyinkii ugu dambeeyey ku sugnaa Magaalada Boosaaso ayaa ku…

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo muddooyinkii ugu dambeeyey ku sugnaa Magaalada Boosaaso ayaa ku wajahan Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Ilo wareedyo katirsan Madaxtooyada Puntland ayaa warbaahinta gudaha u xaqiijiyey in Madaxweyne Deni uu Nairobi kulamo kula qaadan doono wakiilo ka socda saaxiibada Soomaaliya iyo siyaasiyiin Soomaaliyeed.

Xubnaha uu la kulmi doono Siciid Deni, waxaa kamid ah Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo aysan is arkin tan iyo markii ay Puntland joojisay ka qaybgalkii shirarkii NCC isla markaan ay xiriirka u jartay hoggaanka ugu sarreeya DFS.

Labada dhinac ayaa xoguhu sheegayaan inay ka arrinsan doonaan xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, qorshaha Villa Somalia, duulaanka laga cabsi qabo in DFS ku qaaddo deegaamada Jubbaland iyo arrimo kale.