Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si adag uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, qorshaha Madaxda…

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa si adag uga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, qorshaha Madaxda dowladda Somalia ee Jubbaland iyo mawqifka Puntland.
Ugu horrayn Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in shirkii uu gogoshiisa dhigay Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta loo balansanaa ay baaqashadiisa sabab u tahay qorshe xumo iyo inuusan ahayn mid markii hore waafaqsanaa waaqiciga uu dalku ku sugan yahay.
“Shirkii maanta loo madlanaa u malayn mayo inuu qabsoomay, wax markiisii horeba aan sifiican looga baaraan degin ayuu ahaa, haddana waxaa loo baahan yahay shirar dhab ah oo go’aan wadajir ah lagu gaaro, laakiin intii qofka loo yeero la yiraahdo waa ku dhegaystay kaliya adduunkana loo sheego waa latashaday hebel iyo hebel macne abuuri mayso”, Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland oo soo dhaweeyey golaha samatabixinta ee Muqdisho lagaga dhawaaqay.
Waxaa uu Madaxweyne Deni siweyn u taageeray go’aamada maamulka Jubbaland ee xaalka siyaasadeed ee dalka isagoo siweyn u cambaareeyey weerarkii Raaskambooni, kana digey qorshe xoog loogu muquuninayo Jubbaland.
“Dowladda Puntland waxay taageersan tahay go’aanada dowladda Jubbaland, waxaan aad uga xunahay weerarkii Raaskambooni oo ahaa arrin xad gudub ah oo abuuraysa dagaaladii sokeeye ee laga soo gudbey, Waxaan ka digeynaa in DFS ay awooddii dowladnimada ee la siiyey inay deegaamada kale wax kuyeesho oo tiraahdo hadaadan iraacsanayn waxaa tahay cadawgayga, wax shaqayn karta ma ahan, dadku waxay ku dhaamaan walaalow aan wada hadalno majirto, Soomaali dad isku awood sheegan kara ma ahan”, Ayuu yiri Madaxweyne Deni.
Ugu dambayntiina Madaxweyne Deni ayaa sheegay inay Puntland ku taagan tahay mawqifkii ay qaadatay December 2022, isagoo sheegay inay Somalia wajahayso halis abuuri karta in lasii kala irdhoobo.