Madaxweynaha Dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, oo ku sugan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa caawa ku dhawaaqay inuusan noqon doonin musharrax u tartama mar saddexaad xilka Madaxweynaha Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa go’aankiisa ku saleeyay qodobka dastuurka Puntland ee dhigaya in madaxweynaha uu xilka hayn karo ugu badnaan laba muddo-xileed, iyadoo muddo-xileedka madaxweynaha Puntland uu yahay shan sano.
Dhanka kale, madaxweynaha ayaa sheegay inuu dhisayo musharaxa xisbigiisa Kaah u doorto tartanka kursiga madaxweynaha marka la gaaro doorashada 2029.
Go’aanka Deni ayaa meesha ka saaraya muddo saddexaad oo uu xilka ku sii raadsan lahaa, waxaana tallaabadan ay noqon kartaa mid saameyn ku yeelata loollanka siyaasadeed iyo musharraxiinta u diyaar garoobaya doorashada soo socota.
Deni ayaa xilka Madaxweynaha Puntland markii ugu horreysay ku guuleystay doorashadii 2019, waxaana mar kale sanadkii 2024 loo doortay muddo-xileed labaad.
Hadalkan ayuu madaxweynuhu sheegay xili ay hadalhayn ka taagnayd furitaanka qodobka 79aad ee dastuurka Puntland, kaasi oo dhigaya mudada xilhaynta madaxweynaha in ay tahay labo goor, talaabadaasi oo ay walwal ka qabeen mucaaradku.
Doorashada Madaxweynaha Puntland ayaa la qorsheeyay in ay dhacdo 8-da Janaayo, isla markaana la dhaafi karin oo ay tahay in ay waqtigeeda ku dhacdo, taasi oo ay maamulada ee ka jira Soomaaliya kaga duwan tahay Puntland.
Horseed Media




