19 March, 2022
Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Xildhibaanada cusub ee Puntland…

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Xildhibaanada cusub ee Puntland ku metelaya labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Jimcihii shalay ayaa lagu soo gabagabeeyey magaalada Garowe doorashada Xildhibaanadii ugu danbeeyey.

Xildhibaanada Puntland laga soo doortay ayaa gaaraya 48 xildhibaan oo 37 kamid ah ay yihiin xildhibaanada Golaha Shacabka, halka 11 xildhibaan loo doortay Aqalka Sare.