Deni oo qaabilay bulshada Bosaso xilli Lugatoor la kulmay Wefdi ka socda QM.

5 May, 2026

Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan la qaatay Waxgaradka iyo qeybaha kala…

Madaxweynaha Dowladda Puntland, Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kulan la qaatay Waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Gobolka Bari. Kulankaa ayuu Madaxweynuhu uga mahadceliyay dadka Gobolka Bari ka qaybgalkoodii sugida Amniga iyo Howlgalka Ciribtirka Argagixisada, doorkooda horumarinta gobolka Bari, isagoo sidoo kalena ku booriyay inay meel ugasoo wada jeestaan cid kasta oo khalkhalgelin ku wada anmiga gobolka Bari iyo xasiloonida guud ahaan Puntland sida burcad-badeedda iyo tahriibinta dadka.

Kulanka waxaa ka qaybgalay, Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland Mudane Maxamed Baari Shire, masuuliyiin ka socday Goleyaasha Dowladda Puntland ee kala duwan La-Taliyeyaal Madaxweyne, Siyaasiyiin, Maamulka Gobolka Bari iyo Kan degmada Boosaaso, Saraakiil Ciidam, Culimaa’udiin , Ganacsato, Haween , Dhallinyaro iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Gobolka Bari.

Dhanka kalena, Madaxweyne Ku Xigeenka Dowladda Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Wefdi sare oo ka socda hoggaanka hay’adda cuntada adduunka (WFP), wafdiga waxaa hoggaaminayay Agaasime ku- xigeenka Fulinta, Mudane Matthew Hollingworth, waxaana sidoo kale ka mid ahaa Madaxa WFP ee Bariga iyo Koonfurta Afrika, Madaxa Hay’adda ee Soomaaliya, iyo masuuliyiin kale.

Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda abaaraha soo noqnoqday , deeqaha caalamiga ah ee yaraaday, dedaallada gargaar gaadhsiinta dadka nugul, daryeelka carruurta, mashaariicda bini’aadantinnimo iyo qodobbo kale.

Madaxweyne ku-xigeenka, ayaa hay’adda uga mahadceliyay dedaalkooda iyo shaqada ay ka hayaan Puntland, isaga oo ku boorriyay in ay adkeeyaan wadashaqaynta wanaagsan iyo isku xidhnaanshaha WFP iyo Dowladda Puntland.