Dowladda Puntland ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay in nabad iyo wada noolaansho ay kula…

Dowladda Puntland ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay in nabad iyo wada noolaansho ay kula noolaato deriskeeda, iyadoo ku dhawaaqday inay diiradda saarayso xoojinta amniga iyo xiriirka deris wanaaga ee ka dhaxeeya maamulka Somaliland iyo Galmudug. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa arrintan ku sheegay khudbad uu ka jeediyay furitaanka kalfadhiga cusub ee Baarlamaanka Puntland.
Madaxweyne Deni ayaa sheegay in maamulka Puntland uu door muhiim ah ka ciyaari doono dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda gobolka, isaga oo xusay in deriska ay tahay in laga wada shaqeeyo amni iyo iskaashi dhaqaale oo waara.
“Waxaa naga go’an in aan nabad kula noolaano derisyadeena Somaliland & Galmudug, waxaana Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Ciro ku ammaanayaa gogosha Nabadda Ceerigaabo oo aan borrinayo in laga wada qaybgalo,” ayuu yiri Deni.
Puntland ayaa dhawaan Nairobi heshiis kula gashay maamulka Somaliland kaas diirada lagu saarayey xoojinta amniga ugu horayso la dagaalanka argagaixisada sidoo kalana heshiiskoodu ku jiray arrimaha dhaqaalaha iyo deris wanaaga.
Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa la rumeysan yahay inuu door firfircoon ku leeyahay gogosha nabadeed magaalada Ceerigaabo halkaas oo ay ku wada shirsan yihiin maamulka Somaliland iyo isimada gobolka Sanaag, Ceerigaabo ayaa horay dagaal lagu barakacay ka dhaceen waxaana hada socda sidii dib magaaladaas loogu wada noolaan lahaa.



