Deni “Waxaan ilaalinaya jiritaanka Puntland-tii 1998 la dhisay”

16 August, 2025

Madaxweynaha Puntland ayaa maanta shaaca ka qaaday in maamulka Puntland uu adkaynayo xuduudihii iyo dhulkii lagu…

Madaxweynaha Puntland ayaa maanta shaaca ka qaaday in maamulka Puntland uu adkaynayo xuduudihii iyo dhulkii lagu dhisay sanadkii 1998-kii, oo ka kooban gobollada Sool, Sanaag, Bari, Mudug, Nugaal iyo Buuhoodle.

Hadalkana ayaa shaki gelinaya inuusan aqoon sanayn maamulka cusub ee loo dhisay gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn ee dhistay Dowladda Federaalka Soomaaliya ee bixiyey Waqooyi Bari oo xaruntiisu tahay magaalada Laascaanood.

Horay dhismaha maamulka cusub ka dhashay khilaaf siyaasadeed iyadoo Puntland ku dooday in goboladaas ka mid yihiin maamulka Puntland oo dadkiisuna hore uga qayb qaateen dhismahiisa siyaasadeed iyo nidaamkiisa dowladeed ilaa 1998.

Puntland ayaa ku adkaysatay in Sanaag iyo dhulalka kale ay si buuxda uga mid yihiin dhulkeeda isla markaana aysan aqbalayn wax maamul kale ah oo dusha looga keenay.

Madaxweynaha Puntland ayaa hadalkan ka jeediyay munaasabad tababar loogu soo xirayay ciidamo cusub oo boolis ah oo u badan dhalinyaro aqoonyahanno ah. Wuxuu sheegay in Puntland ay sii wadi doonto dhismaha hay’adaha amniga iyo maamulka si loo xoojiyo difaaca gudaha iyo ilaalinta midnimada shacabka Puntland.

Puntland ayaa horay ugu eedaysay Dowladda Federaalka inay ku howlantahay qorshe lagu kala qaybiyo dhulka iyo bulshada Puntland iyadoo tallaabada lagu dhisay maamulka Waqooyi Bari ay ku tilmaantay mid sharci darro ah oo khatar ku ah xasiloonida siyaasadeed ee dalka.