Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige iyo Safiirka Dowladda Denmark u jooga Soomaaliya…
Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige iyo Safiirka Dowladda Denmark u jooga Soomaaliya Mr. Steen Sonne Andersen ayaa manta oo Isniin ah si wadajir ah u kala saxiixday heshiis Dowaldda Soomaaliya looga cafinayo lacagihii deynta ahaa ee Dowaldda Denmark ay ku laheyd Dowladda Soomaaliya.
Heshiiskaan ayaa daba socda wada-xaajoodyo gaar gaar ah oo Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya uu la lahaa dhammaan xubnaha dalalka Paris Club oo horay u go’aamiyay Bishii Maarso 2024, in ay cafiyeen daymihii Soomaaliya ay ku lahaayeen, go’aankaas oo sidoo kale waajibinayay in Dowladda Soomaaliya ay si gaar ah ula wada hadal ula gasho dalalka deymaha kulahaa.
Dalka Denmark ayaa ku lahaa saamooliya lacag gaareysa $8.5 milyan oo dollar oo keliya, taas oo u dhiganta 60 million oo lacgta Danish Krone ee Denmark isticmaasho.
Dhanka kale Denmark ayaa ka mid ah deeq bixiyaasha ugu muhimsan ee Soomaaliya, waxaana ay ku deeqdey $18 Milyan oo Dollar afarta sanno ee soo socota taas oo loogu tala galay “Xoojinta maciishadda iyo isku-tiirsanaanta ka hortagga iyo wax ka qabashada barakaca Soomaaliya”
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray heshiiska kadib wuxuu ku yiri “Waxaa run noqotay miraha ka dhashay barnaamijka dib-u-habeynta Maaliyadda iyo guulihii laga gaaray hannaankii deyn cafinta, waxa aan u mahadcelineynaa Dowladda Denmark oo ah saaxiib qiimo leh oo qeyb ka ah horumarka maaliyadeed ee Soomaaliya”.
Sidaan oo kale Wasiirka Maaliyadda ee Soomaaliya ayaa heshiis ula saxiixdey Safiirka Maraykanka oo iska lahayd deynta ugu badan, taas oo hadda Soomaaliya laga cafiyey, sidoo kale Dowladda Japan ayaa wasiirku heshiis deyn cafin ah la galay.
Soomaaliya ayaa lagu yeeshey deyn ka badan $5 Bilyan oo dollar, taas oo looga cafiyey iyada oo la maraayo hannaanka HIPIC ee Sanduukh lacagta ee Adduunka (IMF) u sameeyey dalalka aadka saboolka u ah ee aan daymaha iska bixin karin.
HORSEED MEDIA