Dowladda Federalka ahe ee Soomaaliya oo kaashanaysa hay’adda IOM ayaa ku guulaystey inay dalka dib ugu…

Dowladda Federalka ahe ee Soomaaliya oo kaashanaysa hay’adda IOM ayaa ku guulaystey inay dalka dib ugu soo celiso 145 dhalinyaro Soomaaliyeed ah oo muddo ku dhibaataysnaa dabinada tahriibka dalka libya.
Dhalinyaradaan ayaa 108 kamid ah laga soo dejiyey garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho halka 37 kamid ahna laga dejiyey garoonka Cigaal ee magaalada Hargaysa oo xarun u ah maamulka Somaliland.
Mas’uuliyiin katirsan dowladda federalka ah ee Soomaaliya iyo kuwa hay’adaha gacanta ka geystey ayaa sheegay in dhalinyaradaani ay dhibaatooyin xooggan kala kulmeen dalka Libya, ayna go’aansadeen inay dib ugu soo laabtaan dalkooda hooyo.
Qaar kamid ah dhalinyarada maanta dalka dib ugu soo laabtay ayaa sheegay inay mareen dhibaato xooggan oo isugu jira, socod dheer, caafimaad darro, jirdil, halista badda oo qaarkood dhawr jeer laga soo badbaadiyey iyo hanti beel soo gaarey ehelkoodii.