DFS iyo ehelada Gen. Sheegow oo isla qaatay xilliga la aasayo.

8 April, 2025

AUN Sheegow Axmed Cali (Gen. Sheegow), oo kamid ahaa saraakiisha ciidanka xoogga dalka isla markaana muddo…

AUN Sheegow Axmed Cali (Gen. Sheegow), oo kamid ahaa saraakiisha ciidanka xoogga dalka isla markaana muddo u xirnaa dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa habeenimadii xalay ku geeriyoodey mid kamid ah xarumaha caafimaadka ee magaalada Muqdisho.

Taliye hore Gen. Sheegow ayaa ahaa maxbuus muddo ku xirnaa xabsiga, iyadoo la sheegay in maalmahan uu la ildarnaa xanuun, laguna hayey goob caafimaad, inkastoo ay qaar kamid ah ehelkiisa iyo siyaasiyiinta qaar ka dayriyeen qaabka loo maareeyey xaalkiisa iyo inuusan helin adeeg caafimaad oo ku filan.

Qaar kamid ah ehelada Gen. Sheegow oo warbaahinta la hadlay ayaa beeniyey wararka sheegaya inay codsadeen baaritaan dheeraad ah oo meydka lagu sameeyo, isla markaana ay isla qaateen in maalinimada Arbacad ah lagu aaso cisbitalka xoogga dalka ee magaalada Muqdisho.

General Sheegoow Arbcada ayaa lagu aasayaa Isbitaalka Xoogga Qaddartana waan ku qanacsanahay ee buuqa hala joojiyo”, ayuu yiri Abuukar Axmed Cali oo la dhashay General Sheegoow.