DFS iyo Midowga Yurub oo kala saxiixday Heshiis hormarinaya Dekada Muqdisho

19 October, 2025

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa goob-joog…

Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, ayaa goob-joog ka noqday heshiis iskaashi oo dhexmaray Wasaaradda iyo Midowga Yurub.

Waxaa wada saxiixay Agaasimaha guud ee Wasaaradda Axmed Yuusuf Cabdulle iyo Madaxa EUCAP ee Soomaaliya iyadoo uu sidoo kale goobjoog ka ahaayeen Maareeyaha Dekedda Muqdisho Danjire Maxamed Cali Nuur Ameeriko iyo Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya, Mrs. Francesca Di Mauro.

Qodobada heshiiska ayaa diiradda saaraya taageerada Midowga Yurub ee qalabeynta xarunta Samatabixinta Dhibbanayaasha Badda (MRCC) taas oo qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo horumarinta Dekedda Muqdisho.

Wasiirka Dekedaha Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ay ka go’an tahay in la horumariyo tayada iyo wax soo saarka dekedaha dalka si loo kordhiyo isku socodka ganacsiga iyo dhaqaalaha badda.

Heshiiskan ayaa lagu tilmaamay mid muhiim u ah horumarinta kaabayaasha dekedaha iyo xoojinta iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub.