Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka, howlgalka AUSSOM iyo Hay’adda NISA, ayaa Magaalada Baydhabo ku yeeshan kulan looga…

Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka, howlgalka AUSSOM iyo Hay’adda NISA, ayaa Magaalada Baydhabo ku yeeshan kulan looga arrinsanayey xaaladda ammaan ee deegaamada Maamulka Koonfur Galbeed Somalia.
Kulanka Baydhabo oo uu shir guddoominayey taliyaha guud ee CXS, Gen. Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa diiradda lagu saaray sidii loo adkeyn lahaa amniga guud ee magaalada Baydhabo, oo u diyaar garoobaysa doorasho ay hormuud u tahay DFS.
Taliska ciidanka Somalia ayaa maar ku siiyey saraakiisha ciidamada, isagoo faray in si adag loo mamnuuco ku dhex qaadashada hubka culus ee magaalada, gaar ahaan gaadiidka lagu xiro qoryaha waaweyn. Wuxuu si gaar ah u xusay hubka noocyadiisa kala duwan sida BKM, RPG iyo hub kasta oo culus oo khatar gelin kara nabadgelyada shacabka.
Tallaabadaan ayey dowladda federalka ah ee Somalia uga golleedahay inuusan fareheeda ka bixin ammaanka Magaalada Baydhabo lagana hortago tallaabo kasta oo dhinacyo mucaaradsan awood ciidan ugu yeelan karaan Baydhabo iyo deegaamada hoosyimaada.



