DFS oo awaamiir ku soo rogtey muwaadiniinta u socda Xajka.

7 January, 2026

Xukuumadda federalka ah ee Somalia ayaa ku soo rogtey dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ka soo cumraysanaya…

Xukuumadda federalka ah ee Somalia ayaa ku soo rogtey dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ka soo cumraysanaya xajka inay la yimaadaan warqad caafimaad oo laga qaadan doono goobo la cayimay.

Qaar kamid ah culimaa’udiinka gacanta ku haya adeegyada cumrada ee deegaamada Puntland oo shir jaraa’id ku qabtay ayaa sheegay in amar ka soo baxay dowladda Somalia lagu go’aamiyey in dhammaan muwaadiniinta gudanaya waajibaadka Xajka iyo cumrada ay maraan baaritaan caafimaad.

Culimada ayaa sheegay in bixinta adeegyadaasi caafimaadka ay dowladda Soomaaliya u astaysay saddex xarumo caafimaad oo gaar loo lee yahay oo ku yaalla Magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso.

“Xaajigii aan soo marin baaritaanadaasi ama soo mara baaritaan aan ka ahayn kuwa saddexda cisbitaal ee ay go’aamisay dowladda Somalia waxaa loo aqoonsanayaan baaritaankiisa mid aan sax ahayn”, Ayaa lagu yiri warka shirkadaha cumrada iyo xajka.

Ilo wareedyo ayaa Horseed Media u xaqiijiyey in dowladda Somalia iyo cisbitaalada gaarka loo lee yahay ay ku heshiiyeen in muwaadiniinta loo adeegyo laga qaado adduun lacageed oo gaaraya $30 dollar.