DFS oo Axmed Madoobe ku eedaysan inuu diidey la dagaalanka Alshabab.

8 February, 2025

Xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya ayaa ku eedaysay Madaxweynaha dib loo doortay Jubbaland Axmed Maxamed Islaam…

Wasiir Fartaag,"Axmed Madoobe isaga ayaa hortaagan in Alshabaab lagula dagaalamo gobolada Jubbaland gaar ahaan Jubbada Hoose".

Xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya ayaa ku eedaysay Madaxweynaha dib loo doortay Jubbaland Axmed Maxamed Islaam inuu diidey in Alshabaab laga xoreeyo deegaamada uu gacanta ku hayo maamulka Jubbaland aysanna joogin ciidanka dowladda federalka ah ee Soomaaliya.

Wasiirka amniga gudaha xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya Generaal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa sheegay in Axmed Madoobe uu diidey in ciidanka DFS ay Alshabaab kula dagaalamaan deegaamada gobolka Jubbada hoose.

“Axmed Madoobe wuxuu ciidamo u diraay Raaskambooni oo in ka badan 300KM ujirta Kismaayo, inta u dhexaysa Alshabaab ayaa joogta habeen walbana waa soo weeraraan haddana waxaa u suurto gashay inuu 30 gaari oo tikniko ah geeyo Raaskambooni, mana ogola in laga saaro”, ayuu yiri Fartaag.

Dhanka kalena, Wasiir Fartaag waxa uu sheegay in ciidankii DFS ee ku sugnaa Raaskambooni ay amar kusiiyeen inaysan dagaalamin ee ay ka baxaan deegaanka si loo kala badbaadiyo dhiigga wiilasha Sooamaliyeed sida uu hadalka u dhigay.

Hadalka wasiirka ayaa ku soo beegmaya xilli ay DFS deegaamada gobolka Gedo ka waddo guluf ka dhan ah maamulka Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Madoobe oo ay maxkamadda gobolka Benaadir ujartay waaran soo qabasho ah aysanna dowladda dhexe u aqoonsanayn Madaxweyne.