Dowladda federalka ah ee Somalia ayaa been abuur ku tilmaantay wararka la xiriiray inay dalka ka…

Dowladda federalka ah ee Somalia ayaa been abuur ku tilmaantay wararka la xiriiray inay dalka ka saartay safiirkii iyo diblumaasiyiintii dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiyey Magaalada Muqdisho ee caasimadda Somalia.
“Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si weyn uga walaacsan tahay faafitaanka warar aan sax ahayn iyo eedeymo aan sal lahayn oo lagu baahiyey qaar ka mid ah warbaahinta iyo baraha bulshada, kuwaas oo sheegaya in go’aan laga gaaray in dalka laga eryo Safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya”, Ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda federalka ah ee Somalia.
DFS ayaa horay ugu dhawaaqday inay ka baxday dhammaan heshiisyadii amniga iyo maalgashi ee Imaaraadku ka wadey Somalia, inkastoo go’aankaasi dhaqan-gal ka noqday Magaalada Muqdisho oo keliya iyadoo Imaaraadku weli mashaariic ka wado Puntland oo uu ugu dambeeyey Garoonka Shuhadada Boosaaso iyo Somaliland.
Qaar kamid ah dalalkii horay DFS ugu ballanqaaday buuxinta booska Imaaraadka oo Sucuudigu ugu horreeyo ayaan weli fulin heshiisyadii ay la galeen Muqdisho iyagoo farriinta dowladda lagu sifeeyey doonista isu soo dhawaansho hor leh.




