DFS ayaa maanta hawada ka celisey diyaarad ay saarnaayeen xildhibaano katirsan barlamaanka Soomaaliya kuna sii jeedey…

DFS ayaa maanta hawada ka celisey diyaarad ay saarnaayeen xildhibaano katirsan barlamaanka Soomaaliya kuna sii jeedey deegaamada Puntland oo laga soo doort, si ay uga qayb galaan kulan uu ugu yeeray Madaxweyne Deni.
Go’aankaasi kadib waxaa shirkadaha duulimaadyada qaarkood sheegeen in la hakiyey safaradii cirka ee Puntland ilaa Arbacada oo ku beegan xilliga la ansixinayo waxka-beddelk daatuurka kumeel gaarka ah ee Somalia, inkastoo ay beenisay hayadda duulimaadyada rayidka ah ee Somalia.

Dhanka kalena, xubnaha golaha mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag u cbaareyey horjoogsiga xildhibaanada reer Puntland ee heer federal iyo rakaabka Soomaaliyeed.




