DFS oo bilaabaysa qorshaha soo celinta Soomaali ku sugan dalka Jarmalka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wadda qorshe dib loogu soo celinayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan qaar…

14 September, 2026

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wadda qorshe dib loogu soo celinayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugan qaar kamid ah dalalka Yurub, gaar ahaan Jarmalka oo xogtu tilmaamayso in bisha October laga soo qaadi doono muwaadiniin tiradoodu gaarayso 1,900 qof, inkastoo aysan arrintaan weli war rasmi ah ka soo saarin labada dowladood.

Qorshaha dib loogu soo celinayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee kunool dalka Jarmalka ayaa horay u socdey inkastoo tiradu siweyn uga yarayd dufcaddaan,  sida aan ka soo xiganay Bundestag-ka Jarmalka, 19 Soomaali ah ayaa 2023 laga masaafuriyey Jarmalka, 12 qof 2024, halka 46 qof 2025 loo celiyey Soomaaliya, taas oo saddexda sano ka dhigaysa 77 qof, iyadoo Jarmalku sheegay in 2025 guud ahaan dalka laga masaafuriyey 22,787 qof oo ajnabi ah.

Qorshahaan ayaa si weyn u soo shaac baxay kadib kulankii dhexmaray Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Jarmalka Olaf Scholz ee Berlin bishii November 2024, xilligaas oo la shaaciyey in Soomaaliya ay oggolaatay in dib loo qaabilo muwaadiniinteeda aan haysan xaqa joogitaanka Jarmalka, iyadoo si gaar ah loo xusay dadka dembiyada culus galay, iyadoo dowladda Jarmalku ballanqaadday inay fududayn doonto dhaqaalena ku bixin doonto tarxiilkooda, si ay u yarayso kharasha tirade badan ee kaga baxa dadkaasi.

Barnaamijyada dib-u-soo-celinta Soomaalida kuma koobna dowladda Soomaaliya iyo dowlad Yurub ah oo keliya, haseyeeshee Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM), Midowga Yurub (EU), hay’adaha socdaalka ee dowladaha Yurub iyo hay’adaha dowladda Soomaaliya ayaa muddo sannado ah ka wada shaqeynayey soo-celinta iyo dib-u-dhexgelinta dadka Soomaaliyeed, iyadoo IOM ay dhaqaalaha ugu badan ku bixinaysay sidii dadkaasi dib ula qabsan lahaayeen bulshada Soomaaliyeed.

Mashruuca Migrant Protection, Return and Reintegration – Sub-Saharan Africa (MPRR-SSA) oo Midowga Yurub maalgeliyo, IOM-na maamusho. Bishii December 2024, 147 Soomaali ah oo ku xayirnaa Liibiya ayaa lagu soo celiyey Soomaaliya; 31 qof ayaa Hargeysa ka degay, halka 116 qof ay Muqdisho ku tageen, xilligaas ayey EU-da iyo IOM sheegeen in wadarta Soomaalida Liibiya laga soo celiyey oo barnaamijkaasi taageeray ay gaartay 844 qof, halka Bishii December 2024-na 161 qof oo kale ayaa Liibiya laga soo celiyey, taas oo tirada dadka markaas barnaamijku caawiyey ka dhigtay in ka badan 600 xilli hore oo isla sanadkaas ah.

2025 waa baaritaan ay sameeyeen Dagens Nyheter iyo Radio Sweden, kaas oo sheegay in dowladda Sweden ay 5 milyan oo koron oo Swedish ah siisay Soomaaliya si loo xoojiyo dadaallada masaafurinta, lacagtaasi waxaa la sheegay in lagu maalgeliyey xafiisyo katirsan dowladda federalka ah ee Somalia, inkastoo aysan xogtu shaacin qaabka loo maamulay lacagta, cidda ay jeebkeeda sida tooska ah ugu dhacday iyo haddii lagu celiyey tiradii dadka lagama maarmaanka ah ee loo qorsheeyey in Somalia dib loogu soo celiyo.