DFS oo bogaadisey wada-xaajoodyada Maraykanka & Iran.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay heshiiska isfahamka iyo is-afgaradka (MoU) ee dhexmaray Mareykanka iyo Iiraan,…

23 June, 2026

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhaweysay heshiiska isfahamka iyo is-afgaradka (MoU) ee dhexmaray Mareykanka iyo Iiraan, iyadoo ku tilmaantay tallaabo muhiim ah oo lagu dhimayo xiisadaha laguna xoojinayo nabadda gobolka.

“Soomaaliya waxay ku bogaadinaysaa labada dhinac inay doorteen diblomaasiyad iyo wada-xaajood si loo dhimo xiisadaha loona horumariyo nabadda.”

Soomaaliya ayaa sidoo kale ammaan u jeedisay dalalka Pakistan, Qatar, Masar, Sacuudiga iyo Turkiga oo gacan ka geystay dadaallada diblomaasiyadeed, waxayna rajaynaysaa in heshiisku xoojiyo xasilloonida, amniga badda iyo ilaalinta dadka rayidka ah.

“Soomaaliya waxay soo dhaweynaysaa dhammaan dadaallada lagu horumarinayo nabadda, amniga iyo xasilloonida Bariga Dhexe, Geeska Afrika iyo gobolka Badda Cas.”