DFS oo caalamka u gudbisey khariirad muran badan dhalisay.

30 July, 2025

Wasaaradda caafimaadka xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya ayaa soo saartay Jaantuska dhaqaalaha looga raadiyo Hay’adaha iyo…

Wasaaradda caafimaadka xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya ayaa soo saartay Jaantuska dhaqaalaha looga raadiyo Hay’adaha iyo dowladaha arrimaha caafimaadka ka taageera Soomaaliya, iyadoo gobolada qaar la raaciyey maamulo aysan si toos ah uga tirsanayn.

Warbixintan ayaa lagu daabacay khariidad ku jirta bogga 13-aad ee qorshaha, waxaa si cad loogu muujiyey in gobolka Mudug si buuxda loogu daray maamulka Galmudug, iyadoo meesha laga saaray guud ahaan Puntland.

Dhanka kalena, guud ahaanba gobolada Sanaag, Sool iyo degmada Buuhoodle ayaa la raaciyey maamulka Somaliland, iyadoo meesha laga saaray Puntland iyo maamulka ay hadda dowladda FDS dhisayso ee KHATUMO.