DFS oo Cabdirashiid Janan u magacawday arrimaha Jubbaland.

20 July, 2025

MUQDISHO: Dowladda federalka ah ee Soomaaliya ayaa xoojinaysa qorsheheeda siyaasadeed ee saamaynta ay ku leedahay deegaamada…

MUQDISHO: Dowladda federalka ah ee Soomaaliya ayaa xoojinaysa qorsheheeda siyaasadeed ee saamaynta ay ku leedahay deegaamada Jubbaland gaar ahaan gobolka Gedo kahor doorashooyinka 2026.

Villa Somalia oo ka duulaysa qorsheheeda saamaynta gobolka Gedo iyo galaangalkeeda siyaasadeed ayaa Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Cabdirashiid Janan) u magacawday agaasimaha Hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka Qaranka ee NISA u qaabilsan gobolka Gedo, ahna Madaxa Hay’adaha ammaanka ee gobolka Gedo.

Sarkaalkaan muddada dheer la soo shaqaynayey Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa loo xil-saaray inuu ka shaqeeyo xoojinta shaqooyinka hay’adda NISA ee Jubbaland, galaangalka saraakiisha ciidamada iyo furfuridda shaqsiyaadka la shaqeeya hoggaanka Jubbaland.

Madaxtooyada Soomaaliya oo doonaysa meelmarinta qorshayaasheeda doorashooyinka 2026 ayaa horay ugu fashilantay dagaalkii ka dhacay deegaanka Raaskambooni.